Dalalka G7 oo u hanjabay hogaamiyeyaasha Soomaaliya

Image

LONDON, UK - Wasiiradda Horumarinta iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka G7 ayaa sheegay inay si aad ah ugu walaacsanyihiin jahaweeerka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyay dowladda iyo xooggaga mucaaradka iyo musiibooyinkii bini'aadanimo ee ka dhashay rabshadahaas.

Dowladaha G7 ayaa sheegay inay sidoo kale ka xumaadeen go'aankii lagu kordhiyay muddada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ay ku sheegeen inay u arkayeen inaysan xal u aheyn geeddi socodka doorashooyinka, isla markaana ay wiiqeysay kalsoonida, nabadda, mustaqbalka dadka iyo horumarka hay'adaha dowliga ah.

"Waxaan soo dhaweyneynaa ansixintii Baarlamaanka ee 1-dii March ee aheyd db u billaabista wadahadallada u dhexeeya dowladda Federalka iyo madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la dhameystiro hannaanka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii September" ayaa lagu yiri bayaan Arbacadii ka soo baxay shirkii waddamada G7 ee ka dhacay London.

“Waxaan hoosta ka xarriiqeynaa in aynaan taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan, waana muhiim in dhammaan dhinacyadu ay ilaaliyaan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Bayaankan ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si degdeg ah ugu laabtaan wadahadallada doorashada, isla markaana ay galaan dood wax ku ool ah, ayna raadiyaan xal wax tar leh oo horseedi kara heshiis guud oo laga gaaro arrimaha harsan.

"Haddii ayna taasi dhicin, waxay horseedi doontaa in bulshada caalamku wax ka bedesho qaabka ay u wajaheyso Soomaaliya" ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibada ee dalalka ku bahoobay G7, kaas oo dhinaca kale soo dhaweysay Egayga Gaarka ah ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa, iyagoo sheegay inay taagerayaan dadaallada xal u helista arrimaha Soomaaliya.

Ururka G7 ee awoodda warshadaha iyo dhaqaalaha ayaa ka kooban dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, Ingiriiska iyo Mareykanka.

VOA

Related Articles

Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 12:12PM

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM