Dalalka Khaliijka miyay ku lug-leeyihiin qaraxyadda Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka ayaa ku eedeysay dowladda Qadar qaraxyo bishii May ka dhacay magaaladda Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland.

Jaraa'idka oo soo xiganaya cod laga duubay wada hadal dhex-maray shaqsi ku dhow Amiirka Qadar iyo safiirka Dooxa ee Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraradaasi "lagu xoojinayay" danaha Qadar iyo in lagu riixo Imaaraadka.

Dhacdooyinkaasi oo mid kamid ah uu ka dhacay meel ku dhow Maxkamada Xarunta Gobolka Bari iyo Marsadda magaaladaasi ayaa wadar ahaan waxaa ku dhaawacmay sideed ruux, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Dagaalameyaasha la magac-baxay Dowladda Islaamka faracooda Soomaaliya ayaa waxaa dusha saartay mas'uuliyadda qaraxyadaasi.

Dhanka kale, war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Qadar ayaa maanta oo Talaado ah lagu beeniyay xogaha ku jira warbixinta, waxayna sheegtay in shaqsiga macluumaadka dusiyey uusan marnaba lataliye u noqon.

Xukuumadda Dooxa ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta in uu doonayo in uu ku gacan-sareeyo uuna maamulo siyaasadda Soomaaliya, wallow eedeymahaasi aysan weli ka jawaabin Abu Dubai.

Qadar ayaa bayaanka oo uu arkay Garowe Online waxay ku shaacisay in xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya uu yahay mid ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi.

"New York Times waxaan waydiisanay in uu soo bandhigo codka, si aan baaritaano ugu sameyno. Annaga oo xormeynay siyaasadda NYT, ma aysan nasoo siin warbixin dheeraad ah," ayay tiri xafiiska xiriirka warbaahinta ee Qadar.

Warbixintan ayaa imaaneysa iyadda oo wadamada Khaliijka uu ka dhaxeeyo dagaal dhinaca warbaahinta ah oo bilooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeystay.

Eedeymahan ayaa imaanaya iyadda oo dalalka Khaliijka ay ku loolamayaan siyaasadda Soomaaliya tan iyo markii uu qarxay khilaafka wadamaasi xili dowladda federaalka ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xasaraasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM