Dalalka ku loolamaya marti gelinta wadahadalka DF iyo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadaalladda ku saabsan soo celinta wadaxaajoodka dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa soo cusboonaaday markii Madaxwayne Muuse Biixi uu si cad u badalay mowqifkiisa la fariisashada xukuumada Muqdisho.

Isbedalka Muuse Biixi ayaa yimid markii kulan uu bishii hore Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kaasi oo wadankiisa uu doonayo in uu u dub-dhaxaad u noqdo wadahadaladda labada dhinac oo mudo hakad Ku jiray.

Hasayeeshee, waxaa la sheegayaa in ay jiraan wadamo kale kuwaasi oo dhankooda doonaya in ay marti geliyaan shirkaasi, waxaana la sheegay in ay kamid yihiin; Turkiga iyo Jabuuti.

Todobaadkaan waxaa Jabuuti tegay wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hargeysa, kaasi oo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlaya arrimaha ku xeeran wadahadalka.

Diblumaasiyiin ayaa ku waramaya in Jabuuti ay raadineyso in ay kalsooni ka hesho Somaliland, maadaama xukuumada Muqdisho Ka caga jiideyso in Itoobiya lagu qabto shirkaasi.

Dowlada Farmaajo ayaa la fahansan yahay in midkood Jabuuti ama Turkiga ay dooneyso in ay noqoto madasha, wallow Somaliland aysan wali caddeynin aragtideeda ku wajahan dalalkaasi.

Turkiga ayaa horey loogu qabtay wadahadalo u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, inkasta oo aaney kasoo bixin wax natiijo ah.

Intaasi waxaa dheer, in mas'uuliyiinta maamulka Muuse Biixi ay horey ugu eedeeyeen Ankara in aanu dhexdhaxaad ahayn.

Dowlada Federaalka iyo Somaliland ayaa waqti xaadirkaan ka siman aragtida guud ee ku aadan in uu qabsoomo wadahadalka, laakiin waxaa calaamad su’aal dul saaran tahay goorta uu dhacayo iyo goobta lagu kulmayo.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in Muuse Biixi uu ka ogolaaday Abiy Axmed in Itoobiya lagu qabto wajiga 3aad ee wadahadalada, taasoo aanan la ogayn hadii ay ka suurtagaleyso dhinace Dowladda Soomaaliya.

Dadka falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka digaya in kala aragti kuwanaashiyo arrintaan ku saabsan ay dib u dhac ku keeni karto wadahadalka oo rajo wanaagsan laga qabo in ay kasoo baxaan qodobo miradhal ah, haddii labada dhinac muujiyaan Ka go'naasho iyo tanaasul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM