Damaca Farmaajo ee "huriyey" khilaafka doorashooyinka
MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo dowladda iyo maamulada ay heshiis ka gaareen doorashooyinka 2020-21 iyo habraacooda, damaca madaxweyne Farmaajo ayaa abuuray khilaaf kale, sidda uu wariyey wargeyska afka dheer ee Al Ceyn.
Heshiiska oo ka kooban 15 qodob kuna saleysan doorasho dadban oo lagu galayo habka 4.5 kaasoo Soomaaliya kusoo dhaweysay tan iyo 2000-kii ayaa xeerinaya laba degaan doorasho iyo ergo 101 oo soo xuleysa sharci-dejiyeyaasha.
Mucaaradka wuu soo dhaweeyay heshiiska. Balse, habraaca fulinta ayaa noqdey qodob kale oo ay isku qabtaan daneeyeyaasha coddeynta heerka Qaran markii Farmaajo isku dayay in uu ku milo qorshihiisa soo laabashada mar labaad.
Hasa ahaatee, Villa Soomaaliya ayaa haatan u muuqaneysa mid dabcisay dhamaan qodobadii horey u keenay is-qabqabsiga.
"Sharafta" guddiga doorashooyinka
Heshiiskaa siyaasadeed wuxuu xeerinayaa magacaabida laba guddi doorasho oo heer federaal iyo mid gobol ah. Si lamid ah, wuxuu farayaa dhismaha Guddiga xalinta khilaafaadka – kuwaas oo xukuumadda ay soo dhiseyso.
Guddiyada ayaa ka kooban 11 xubnood oo maamulada ka imaanaya iyo saddex xubnood oo ay ku dareyso xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Intaas waxaa wehlisa, guddiga xulista wakiilada Somaliland oo xukuumadda isku koobtay magacaabidooda ayna kala tashan weyday saamileyda.
Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa gudbiyey liisaskooda, halka Puntland iyo Jubaland ay u hakiyeen sababo soo kordhay awadeed.
Mucaaradka ayaa sheegay in dowladda faragelisay xubnaha ay soo gudbiyeen saddexdaas maamul kuna darsatay saraakiil sirdoon, shaqaale dowladeed iyo taageereyaal "taasoo meesha ka saareysa dhexdhexaadnimada guddiga".
Xogaha cusub ee la helayo ayaa tibaaxaya in kulankii ay Garowe ku yeesheen afhayeenka Aqalka Sare iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka "ay is-afgarad ku gaareen Garowe iskuna raaceen in guddiga ay wada dhisaan".
Kiisaska gobolka Gedo
Gedo waa gobol hoostaga maamulka Jubaland oo aragti ahaan dhanka siyaasadda aad uga soo horjeeda dowladda waqtiga kasii dhamaanaayo Farmaajo kaasoo maamulkiisa xoog kula wareegay gacan ku haynta una magacaabay madax.
Maamulka madaxweyne Axmed Madoobe oo August, 2019 ka hirgeliyey gobolkaas doorasho gole degaan ayaa talaabada Villa Soomaaliya wuxuu ku qeexay sharci darro iyo mid baalmarsan dastuurka qabyada ah ee waddanka.
Xaalada waxaa cirka kusii shareeray markii heshiiska lagu gaarey 17-kii September caasimadda Muqdisho la iskuna raacay in maamul kasta uu laba degaan doorasho ku qabtto coddeynta heer Qaran ee loo balansan yahay sanadka 2020-21.
Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo waa degaan doorashada labaad ee Jubaland. Balse kuma jirto gacantooda, waxaana taas meesha ka saareysaa in ay ka dhici karto doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.
Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in aysan doorasho ka dhaceyn halkaas inta laga saarayo ciidamadda dowladda laguna soo wareejiyo maamulka uu hogaamiyo, wuxuuna ku goodiyey in uu Xildhibaanada ku xulayo Kismaayo.
Macluumaadka cusub ee laga helayo qadiyada gobolka Gedo ayaa muujinaya in Farmaajo kasoo dabcay mowqifkiisa ku dhegnaanta Gedo isla markaana ku bedelanayo kuraas kamid ah mudaneyaasha labada aqal ee federaalka.
Sikastaba ha ahaatee, dabacsanaanta ay haatan la yimaadeen madaxda dowladda federaalka ah ayaa loo fasiran karaa in ay ka shaqeynayeen in waqtiga dhamaado si ay halkaas uga helaan muddo kororsi ugu yaraan bilooyin ama sanad ah.
GAROWE ONLINE