Wasiir ka tirsan xukuumada Khayre oo la dhigay safiirka Sacuudiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay, Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo danjiraha dalka u qaabilsan Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa "markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Cabdixakiim Xasan Ashkir u leeyahay gudashada waajibaadka danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan".

Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili madaxweynaha la filayo in uu u socdaalo dalkaasi Carbeed, halkaasoo uu uga qeybgali doono shir degdeg ah oo wadamada Carabta ka yeelanayaan xaalada gobolka.

Shirkaasi waxaa sidoo kale lagu casuumay Qadar taasoo ay xayiraadyo dhulka iyo badda ah ay kusoo rogeen xulufada Sacuudiga oo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada, wallow ay beenisay.

Xukuumada Muqdisho oo sheegtay in xiisadaasi ay dhex-dhaxaad ka tahay ayaa lagu eedeeyay in ay la safatay Dooxa, oo saameyn ku leh dowladda hadda ka arimisa dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa bishii hore ka sheegay Dooxa in aysan dowladiisa ku biiri doonin "xulufo kasta oo ka dhan ah Qadar iyo Turkiga".

Magacaabista safiirka cusub ayaa kusoo beegmaysa xili todobaadkii hore ay golaha wasiirada Soomaaliya meel-mariyeen magacaabista shan danjire, wallow uusan ku jirin Cabdixakiim.

Mr Cabdixakiim ayaa waqti xaadirkaan wuxuu yahay Wasiiru Dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka ah ee uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM