​Dastuurka Hir-Shabeelle oo la ansixiyay iyo Ergo Shirka ka baxday

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa Maanta lagu ansixiyay magaalada Jowhar Dastuurka maamulka dhismihiisa uu socda ee Hir-Shabeelle loogu magac daray, kadib Cod bixin gacan taag ah oo ay sameeyeen Ergada Shirka.

Xoghayaha cusub ee joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Prof. Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in 186 Xubnood oo kamid ah Ergada Shirka ay ansixiyeen Dastuurka.

Shirka Maanta ee lagu ansixiyay Dastuurka ayaa waxaa ka qeybgalay 202 Ergo, kuwaasoo cod u qaaday dastuurkan oo horay loogu qaybiyay. 186 ayaa u codaysay Haa, 10 way ka aamustay, 6-na way diideen.

Codka 186 Xunbood ayaa lagu ansixiyay Datuurka maamulka Hir-Shabeelle, oo maalmahan ay ka doodayeen Ergada dhisaysa maamulka gobolada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Dhanka kale, Ergo badan oo matalaysa 5 Beelood oo dega gobolka Hiiraan, ayaa isaga baxay Shirka Jowhar kadib markii laga laabtay go'aan hore oo ahaa in Buulo-burte laga dhigo caasimada Hir-Shabeelle.

Xubo gaaraya 48 oo kamid ahaa Ergada Shirka ayaa Maanta la sheegay inay ka maqnaayeen Codbixinta lagu ansixiyay maamulka cusub Dastuurkiisa.

Shirka Jowhar oo heer gabo-gabo ah maraya ayaa wali waxaa jira Khilaafyo iyo cabashooyin ay muujinayaan Beelaha qaar, oo sheegaya in la duudsiiyay xuquuqdooda awood-qeybsiga.

Sida uu qorshaha yahay, 15-ka Bishan ayaa la filayaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, kaasi oo noqonayo Geedigii ugu danbeeyay ee hergelinta Nidaamka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM