Somalia: Barlamanka Hirshabelle oo xilkii ka qaadey Madaxweynaha

Image

JOWHAR, Somalia - Barlamanka maamulka Hirshabelle, ayaa goor dhaw xilka ka qaadey Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii 72 Xildhibaan ay ka keeneen shalay mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku takrifalay awoodda, waxaqabad la'aan, iyo inuu wadashaqen la sameyn waayey labada Golle, ee Xukuumadda iyo Barlamanka.

Maalintii shalay waxaa Xilka hal mar iska casilay 13 Wasirro iyo ku xigeenno, iyagoo sheegay in Madaxweynaha ku fashilmay xilka, sidoo kalena la imaan waayay wax-qabad mudadii 10-ka bilood ee uu joogay Xafiiska.

Madaxweyne Cosoble ayaa xilka loo doortey October 17, 2016, kadib Doorasho ka dhacday magaalada Jowhar, taasi oo uu kaga adkaaday Maxamad Cabdi Waare oo la tartamey.

Fahfaahin filo Goordhaw.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM