Ciidamada DFS iyo kuwa Galmudug oo la wareegay Tuulada Mareer Gur

Image

MAREER GUR, Somalia - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Somalia, ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Galmudug ay saaka kala wareegeen Malleeshiyada Ahlu Sunna Deegaanka Mareer Gur.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online, in saaka ay ku waarberiisteen dagaal ka socda deegaanka, kadib markii ay dhowr jiho kasoo weerareen Ciidamada isgarab-sanaya ee dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 21-aad, ayaa ka qeyb-qaatey Howlgalka Ahlu Sunna looga saarey deegaanka Mareer Gur, oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud, oo uu ka taliyo maamulka Ahlu Sunna.

Xaaladda deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid kacsan, islamarkaana ay Ahlu Sunna wado Is-abaabul xooggan, oo ay ku qaadayso weerar rogaal-celis ah, oo ka dhan ah Ciidamada kala wareegay Mareer Gur.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay Mareer Gur, balse Saraakiisha horkacaysa Ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegay inay dib ka fahfaahin doonaan howlgalkooda.

Fahfaahinta Dagaalka kala soco Wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM