DEG DEG: Dad shacab ah oo lagu laayey Weerar ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Saddex ruux oo hal qoys kasoo wada jeeda ayaa kuu dhintey, qaar kalena way ku dhaawacmeen rasaas Koox hubaysan ay ku fureen gaari ay la socdeen oo marayay meel ku dhaw Isgoyska Digfeer, ee magaalada Muqdishu.

Dabley hubaysan oo watey gaari kale, ayaa ooda rasaas uga qaadey Gaari ay saarnaayeen 7 qof, oo sida la sheegay ahaa hal qoys, waxaana rasaasta ku geeriyootay saddex kamid ah reerkaasi, kuwaasi oo kala ah labo wiil iyo hal gabar.

Wararka ayaa sheegay in dhaawacyada dadka kale, oo uu ku jiro darawalka Gaari ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer, oo ku dhaw goobta uu falkan argagaxa leh ka dhacay, sida ay Goob-joogiyaal u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Wali lama oga sababta loo bartilmaameedsaday dadkan shacabka ah, iyo cida ka dambaysa weerarka lagu qaadey.

Ciidamada amaanka dowladda Federaalka ayaa geeray goobta ay wax ka dhaceen, oo sameynaya howlgallo lagu baadi-goobayo kuwa falkan ka dambeeyay, oo lagu soo waramayo inay baxsadeen, wax yar kadib markii ay rasaasta huwiyeen Gaariga shacabka saarnaa.

Weerarada noocan ah, ayaa inta badan looga bartey kooxda Al shabaab, oo ku disha Saraakiisha ciidamada dowladda, Xildhibaanada iyo dadka kale ee u shaqeeya Hay'adaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM