Diyaarad ku dhacday Duleedka magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn, ee loo yaqaano "Drone", ayaa goordhaw waxay ku dhacday duleedka magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Goobj-jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Diyaaradda Drone-ka ah ay ku dhacday meel ku dhaw deegaanka Garasbaaley, oo katirsan degmada Deyniile, ee gobolka Banaadir.

Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Somalia iyo dad badan oo shacab ah ayaa durba gaarey goobta ay ku burburtay Diyaaradda, waxaana halkaasi laga soo qaadey haraadiga Diyaaradda Drone.

Ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay burburka Diyaaradda, maadaama ay ahayd nooca aan cidna wadin, ee loo adeegsado howlgalaha basaaska ah.

Wali lama oga dalka laga leeyahay Diyaaradda, balse Ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Somalia ayaa inta badan adeegsada Diyaaradaha Drones-ka, oo ay ku basaasaan deegaanada Al Shabaab.

Wixii kusoo kordha warkan, kala soco wararka dambe ee Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM