Diyaarad ku dhacday Duleedka magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn, ee loo yaqaano "Drone", ayaa goordhaw waxay ku dhacday duleedka magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Goobj-jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Diyaaradda Drone-ka ah ay ku dhacday meel ku dhaw deegaanka Garasbaaley, oo katirsan degmada Deyniile, ee gobolka Banaadir.

Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Somalia iyo dad badan oo shacab ah ayaa durba gaarey goobta ay ku burburtay Diyaaradda, waxaana halkaasi laga soo qaadey haraadiga Diyaaradda Drone.

Ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay burburka Diyaaradda, maadaama ay ahayd nooca aan cidna wadin, ee loo adeegsado howlgalaha basaaska ah.

Wali lama oga dalka laga leeyahay Diyaaradda, balse Ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Somalia ayaa inta badan adeegsada Diyaaradaha Drones-ka, oo ay ku basaasaan deegaanada Al Shabaab.

Wixii kusoo kordha warkan, kala soco wararka dambe ee Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM