DEG DEG: In ka badan 10 Wasiir oo iska casilay Maamulka HirShabelle

Image

JOWHAR, Somalia - Wasiiro katirsan HirShabelle, ayaa maanta iska casilay xilalkii ay ka hayaan Xukuumadda Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, oo kusoo wajahan mooshin Kalsooni kala noqosho ah, oo Xildhibaanada ay wadaan.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in 13 xubnood oo isagu jira Wasiiro iyo ku xigeenno ay iska casileen Maamulka HirShabelle, kadib markii ay ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu la shaqeyn waayay gollaha Wasiirada.

Shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Jowhar ayay ku shaaciyeen Wasiirada Iscasilaadoodda. Waa markii ugu horeysay oo tiro Wasiiro ah oo intaasi la eg ay mar kaliya is casilaan Maamulka HirShabelle.

Waxyaabaha kale ee keenay Is-casilaadda Wasiiradda ayaa ah waxqabad la'aan uu la yimid Madaxweynaha maamulka HirShabelle. Cali Cabdullaahi Cosoble, iyo inuu ka gaabiyay la shaqeynta Xukuumadda, xilli ay ku shaqeynayso duruufo adag oo dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah.

Wararka ayaa inatasi ku daraya in Wasiirada Is-casilay ay ku biireen Mooshin kalsooni kala laabasho ah, oo Xildhibaanada Barlamanka HirShabelle ay ku doonayaan inay xilka uga qaadeen Madaxweyne Cosoble, oo xafiiska jooga mud ka yar hal sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM