DEG DEG: Mid kamid ah Ergadii dooratay Xildhibaanada oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Haweenay kamid ahayd Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa goor dhaweyd lagu dilay magaalada Muqdishu.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in Labo Nin oo Bastooladu ku hubaysan ay Haweenayda oo lagu magacaabi jiray Haajira Cabdi ku toogteen Xaafadda Siliga Ameerikaanka, ee degmada Wadajir.

Ragga dilka geestay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana markii dambe gaarey Ciidamo katirsan dowladda oo sameeyay baaritaanno, aan cidna lagu soo qaban, sid ay sheegeen Goobjoogayaal la hadlay GO.

Haajira waxa kamid ahayd Ergadii Xildhibaanada kasoo xushay maamulka Koonfur Galbeed.

Dilalka Xubnaha Ergooyinka ayaa mudooyinkii dambe kusoo banadayay Muqdishu, waxaana beegsi ku haya Al shabaab, oo horey wacad ugu martay inay dilayso dadka soo xulay Barlamanka hadda jira ee Somalia.

GAROWEONLINE


Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM