DEG DEG: Mukhtaar Roobow oo isku dhiibay Mamaulka Koonfur Galbeed

Image

XUDUR, Somalia - Sheekh Muktaar Roobow Cali "Abu Mansuur", Afhayeenkii hore ee Kooxda Al shabaab ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka Somalia ee ku sugan magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed Shiine Maclim Nuurow ayaa xaqiijiyay isasa soo dhiibidda Mukhtaar Roobow, oo uu sheegay in hadda uu ku sugan yahay degmada Xudur isaga iyo malleeshiyada uu watay.

Saraakiil sare oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyo Wasiirro ayaa Mukhtaar Roobow kasoo galbiyay deegaanka Abaal, oo mudo labo maalmood ah kula dagaalamayay Al shabaab, oo isku dayay inay dileen Abu Mansuur, markii uu heshiis la galay dowladda Federaalka Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu Abu Mansuur kusoo dhaweeyay magaalada Xudur, waxaana la filayaa in loo soo qaado dhanka magaalada Baydhabo, si uu ugu qabto halkaasi Shir Jaraa'id oo uu ku shaacinayo kasoo bixistiisa Al shabaab.

Mukhtaar Roobow, oo mar soo noqday ku xigeenka hogaamiyaha Al shabaab iyo Afhayeen ayaa kasoo goostay Kooxda sanadkii 2013-kii, kadib markii ay is khilaafeen Axmed Godane, kahor inta uusan Mareykanka duqeyn ku dilay September 1, 2014-kii.

Fahfaahinta Warkan kala soco wararkeena dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM