DEG DEG: Mukhtaar Roobow oo soo gaarey magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Diyaarad gaar ah, oo siday Afhayeenkii hore ee Kooxda Al shabaab, Mukhtaar Roobow Cali "Abu Mansuur", ayaa goordhaw kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdishu.

Mukhtaar Roobow oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, iyo Saraakiil kale ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana looo galbiyay dhanka qasriga Madaxtooyada Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow uu saacadaha soo socda Shir Jaraa'ida ku qaban doono Muqdishu, si uu u iclaamiyo inuu kasoo baxay fekerka Al shabaab, waxaana la filayaa inuu la kulmo Madaxda sare ee dalka, oo ay kamid yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre.

Roobow ayaa saaka iska soo dhiibayy degmada Xudur, ee gobolka Bakool, kadib markii Saraakiil katirsan Koonfur Galbeed Somalia kasoo kaxeeyeen deegaankii uu mudo ku sugnaa ee Abal, halkaasi oo Al shabaab kusoo weerartay todobaadkii tagey.

Wasiirka difaaca Somalia ayaa Xudur kasoo wadey Roobow oo kasoo dejiyay magaalada Muqdishu.

Wixii kusoo kordha warkana, kala soco wararka dambe, ee Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM