DEG DEG: Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Somalia.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamida ah magaaladda ayaa waxa uu ka dhacay iridda Premier bank oo ku yaalla Isgoyska Taleex, halkaasi oo ciidamada booliska Somalia ku leeyihiin bar-koontarool oo lagu baaro gaadiidka.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo qaraxa uu sababay, marka laga tago inay gubteen dhowr gaari oo horyaallay Bangiga.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray Gaari nooca Qooqanta ama Hilux iyadoo uu u muuqday in lala damacsanaa in lagu khaarijiyo qofkii watey, oo aanan weli la ogeyn waxa uu yahay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Somalia oo ku saabsan qaraxa, oo kusoo beegmaya xilli magaalada ay kusoo kordhayaan qaraxyada dadka baabuurta loogu xiro.

Al-Shabaab oo laga saarey Muqdisho 2011 ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan oo joogto noqday ka fulinaysa magaaladda, iyadoo beegsata Askarta, Xildhibaanada, Saraakiisha hay'adaha dowladda iyo dadka kale ee bulshada ka dhex muuqda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM