DEG DEG: Qarax Culus oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasi oo laha maqlay jugtiisa meelo fog-fog oo katirsan magaalada.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa mid lo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kaasi oo ka dhacay inta u dhaxatsa Saldhiga Booliska degmada Waaberi, iyo Hoteelka Makka Al Mukarama.

Rasaas xooggan ayaa xigtay qaraxa, iyadoo Gaadiidka gurmadka deg dega ah ay goobta gaareen, islamarkaana billaabeen inay dhaawacyada u qaadaan Isbitaallada si si loogu daweeyo.

Ciidamada Amaanka ayaa xiray Wadada Mukka Al-Mukarama, ee uu qaraxa ka dhacay, waxaana soconaya baaritaano xooggan.

Warar hordhac oo aan helayno ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 ruux ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa, oo noqonaya midki labaada oo ka dhacay Muqdishu mudo labo maalmood ah. 

Illo-wareedyo ayaa ku waramaya in Gaariga uu qarxay kadib markii ay ku joojiyeen Ciidamada amaanka meel ku dhaw Saldhiga degmada Waaberi.

Fahfaahinta qaraxa kala soco Wararkeena dambe haddii Alle idmo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM