DEG DEG: Qarax kale oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdishu, gaar ahaan nawaaxiga xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lagu weeraray Hotel Weheliye, oo ku dhaw Isgoyska Dabka, oo ah mid aad u mashquul badan oo kulmiya dhowr wado.

Wararka hordhac ah oo Warsidaha Garowe Online ka helayo Laamaha amniga ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 ruux, oo isagu jira ilaalada Hoteelka iyo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Waxaa goobta gaarey ciidamada badan oo baaritaanno ka bilaabay nawaaxiga hotelka iyo Gaadiidka Ambulance-ka loo yaqaano kuwaasoo dadka dhaawacyada gaarey u qaadaya Isbitaalada magaalada Muqdishu.

Waa qaraxii labaad oo saaka ka dhaca Muqdishu, oo maalmahan kusoo banadayaan Dilalka iyo Qaraxyada ismiidaaminta ah ee lala eegnayao xaruumaha dowladda iyo Goobaha shacabka ku badan yihiin.

Fah-faahinta kala soco wararkeena dambe Haddii Alle idmo

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM