Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay bartamaha magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kaasi oo ka dhacay meel ku dhaw Hotel lagu magacaabo Mubaarak, oo ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay Goobo fog-fog oo ku yaalla magaalada Muqdishu, iyadoo hawada isku shareertay Uuro madow.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid mar hore ay Ciidamada qabteen markii laga shakiyay Gaari, kaasi oo looga tagey Wadada qarkeeda.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta xiray waxaana socda baaritaano xooggan.

Fahfaahin kala soco Wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM