DEG DEG: Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Somalia, kaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray uu ku qarxay meel ku dhaw Taallada Daljirka Dahsoon, oo ku dhaw xarunta Madaxtooyadda Somalia.

Goobta uu qaraxa ka dhacaya oo ah meel ciidamada booliska dowladda ku leeyihiin bar-koontarool ayaa waxaa gaarey gaadiidka gurmadka deg deg ah, waxaana la xiray wadada.

Gaari ayaa ku qarxay meel kasoo horjeeda kaalin shidaal, oo kaabiga ku haysa Baar-Shabeelle, oo sidaasi uga fogeyn Aqalka dowladda Hoose ee Xamar xilli ay ciidamda baarayeen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa saaka, oo dhawaqiisa laga maqlay meelo badan oo kamida Muqdisho.

Fah-faahin kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM