​DEG DEG: Qarax dhacay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay nawaaxiga Hotel Jazeera, oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu.

Goobjooge ku sugan goobta, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqijiyay in gaari nooca raaxada ah, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay wadada hormarta arida dhanka bari ku yaalla, ee laga galo Hotel-ka Jazeera,  kadibna ay xigtay rasaas xooggan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari Tagsi ah, oo kamid ah kuwa ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha, kaasi oo qarxay xilli uu marayay Afaafka Hotel Jazeera.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, oo jugtiisa si aad ah looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdishu, balse waxaa goobta gaarey gaadiidka ambalaaska, oo dhaawacyada ula cararay Isbitaalada.

Jazeera Palace hotel, oo ah hotel-ka ugu qaalisan Muqdishu, kaabigana ku haya Garoonka Diyaaradaha Muqdishu, waxaa degan Xildhibaanno, Wasiirro, Mas'uuliyiin dowladda Federaalka, Hay'addo, Safaarado iyo Diblomaasiyiin sare.

Dhowr jeer oo hore ayaa la weeraray Jazeera Palace hotel, tan iyo markii la dhisay 2012.

Fahfaahinta qaraxa kala soco wararka dambe, ee Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM