​DEG DEG: Qarax dhacay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay nawaaxiga Hotel Jazeera, oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdishu.

Goobjooge ku sugan goobta, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqijiyay in gaari nooca raaxada ah, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay wadada hormarta arida dhanka bari ku yaalla, ee laga galo Hotel-ka Jazeera,  kadibna ay xigtay rasaas xooggan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray Gaari Tagsi ah, oo kamid ah kuwa ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha, kaasi oo qarxay xilli uu marayay Afaafka Hotel Jazeera.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, oo jugtiisa si aad ah looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdishu, balse waxaa goobta gaarey gaadiidka ambalaaska, oo dhaawacyada ula cararay Isbitaalada.

Jazeera Palace hotel, oo ah hotel-ka ugu qaalisan Muqdishu, kaabigana ku haya Garoonka Diyaaradaha Muqdishu, waxaa degan Xildhibaanno, Wasiirro, Mas'uuliyiin dowladda Federaalka, Hay'addo, Safaarado iyo Diblomaasiyiin sare.

Dhowr jeer oo hore ayaa la weeraray Jazeera Palace hotel, tan iyo markii la dhisay 2012.

Fahfaahinta qaraxa kala soco wararka dambe, ee Garowe Online

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM