DEG DEG: Shirkii Gollaha Shacabka oo fashil kusoo dhamaadey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa qabsoomi waayay kulankii 3aad ee Kalfadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka, kaasoo fashil kusoo idlaadey kadib markii buuq iyo sawaxan hareeyay Hoolka shirka.

Fashilka ayaa yimid kadib markii Xildhibanada isku khilaafeen in kulanka laga dhigo mid albaabada u xiran oo saaxafadda banaanka looga saaro iyo in laga si furan oo warbaahinta goobjoog ka tahay su'aallo loo waydiiyo wasiiradda difaaca iyo amniga.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, gudoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu xiran yahay kulankii maanta, oo u qabsoomi waayay fowdo iyo buuq ay sameeyeen Xildhibaanada mucaaradka.

Fadhigii maanta ayaa ahaa mid aad loo sugayay, oo todobadkii tagey looga wacay Wasiirada amniga iyo Gaashaandhigga oo Xildhibaano ay mooshin ku dalbadeen in looga yeero Gollaha, si amniga faraha ka baxay su'aallo looga waydiiyo.

Baaqashada kulanka ayaa yimid kadib markii xalay Gollah Wasiiradda, oo badankood Xildhibaanno yihiin ay shir degdeg ah ku yeesheen xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM