Degmooyin gacanta u galay Al-Shabaab

Image

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka aroortii hore, dagaal kula wareegay degmada Awdhiigle iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada hoose.

Ugu yaraan lix qof oo u badan askarta dawladda ayaa ku dhintay, iyadoo tiro kale oo dhaawacyo ah ay jiraan.

Alshabaab waxa ay sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen toban ka tirsan ciidamada dawladda, kuna qabsadeen sedex gaadiidka dawladda ah.

Deegaanadan ay kooxda la wareegeen ayaa waxa ay 75 kilmitir ka xigaan galbeedka magaalada Muqdisho.

Goobahan ay weerarada ka dhaceen ayaa waxaa ilaalin jiray ciidamdda Midowga Afrika laba bilood ka hor.

Ciidamadaasi ayaa isaga baxay markii dambe, waxaana ammaanka deegaanadaasi lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM