Degmooyin gacanta u galay Al-Shabaab

Image

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka aroortii hore, dagaal kula wareegay degmada Awdhiigle iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada hoose.

Ugu yaraan lix qof oo u badan askarta dawladda ayaa ku dhintay, iyadoo tiro kale oo dhaawacyo ah ay jiraan.

Alshabaab waxa ay sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen toban ka tirsan ciidamada dawladda, kuna qabsadeen sedex gaadiidka dawladda ah.

Deegaanadan ay kooxda la wareegeen ayaa waxa ay 75 kilmitir ka xigaan galbeedka magaalada Muqdisho.

Goobahan ay weerarada ka dhaceen ayaa waxaa ilaalin jiray ciidamdda Midowga Afrika laba bilood ka hor.

Ciidamadaasi ayaa isaga baxay markii dambe, waxaana ammaanka deegaanadaasi lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM