Deni iyo Axmed Madoobe oo la shiray wakiilada Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa Khamiista maanta ah waxay Muqdisho kula shireen wakiilada Beesha Caalamka, sidda illo muhiim ah u sheegeen Garowe Online.

Kulanka Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe la qaateen diblumaasiyiinta dalalka loo yaqaano C6+ ayaa kusoo hagaagay maalin kadib natiijo la'aan uu kusoo dhamaadey shirkii ka socdey Afasiyooni.

Warar ayaa sheegaya in labada madaxwayne ay ku adkeysteen sii socoshada wadaxaajoodyada kuna eedeeyeen Farmaajo "dibin-daabeynta" dedaalada xalka loogu goobayo is-mari-waaga taagan.

"Sidoo kale, labada madaxwayne waxay sheegeen in Farmaajo uusan rabin in dalka ka qabto doorashooyin taasoo horseedeysa qalalaase uu dalka lugaha la galo," ayay ku dareen illo wareedyadda muhiimka ah.

Diblumaasiyiinta ayaa lagu waddaa in ay la kulmaan madaxda dowlada federaalka ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey isla markaana kadib ay caddeeyeen mowqifkooda xaaladda taagan.

"Beesha Caalamka waxay aad uga walaacsan tahay burburka dedaaladii ay ku bixisay in ay isku yimaadaan madaxda Soomaalida. Balse, lama hubo talaabadooda xigta," ayay hoosta ka xariiqeen madaxda.

Xalay ayaya ahayd markii sidaan oo kale ay diblumaasiyiintu ka shireen madaxda saddexda maamul ee taabacsan Villa Soomaaliya kuna amreen in aysan ka bixin caasimada Muqdisho in xal waara laga helayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM