Deni oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Deni oo ay wehliyaan mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adaha dowliga ah ee Puntland ayaa safarkiisa wuxuu daaran yahay ka qeybgalka wadahadalka xalka loogu raadinayo muranka doorashooyinka.

Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in shirka uu dhowaan furmi doono isla markaana ay rajeyneyso in xal looga gaaro kala aragti-duwanaanta haatan taagan.

Dhigiisa Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa todobaadkii hore kasoo degay Muqdisho, isaga oo kulamo horudhac ah la qaatay musharaxiin, afhayeenka Aqalka Sare iyo diblumaasiyiin.

Labada hogaamiye ayaa iska soo horumariyey ciidamo aad u hubeysan oo kamid ah ilaaladooda gaarka ah kuwaasoo la sheegay in ay ka qeyb-qaadan doonan sugida ammaanka madaxwayneyaasha.

Kahor socdaalka Deni, waddooyinka caasimadda ayaa qaarkood la xiray. Balse, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta dhabta ah ee loo xiray jidadkaas kuwaas oo qaar la xiriirinayey socdaalka.

Warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho ayaa qaarkeeda waxay warisay in jidadka loo xiray wafdi ka imaanaya Turkiga. Balse, ma bixin tafaasiil ku saabsan wafdigaas iyo inta ay ka kooban yihiin.

Sidoo kale, idaacadaha qaar ayaa intaas ku daray in jidadka ay sii xirnaan doonan maalmaha soo aadan isla markaana loogu talagalay sugitaanka ammaanka caasimada inta shirka uu soconayo.

Ammaanka iyo ciidamadda ayaa kamid ah qodobada ugu culus ee ajendaha shirka kamid ah xilli Villa Soomaaliya wajaheyso eedo ku aadan in ay u adeegsaneyso dano siyaasadeed iyo kuwa shaqsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM