Deni oo la kulmay xubno ka tirsan Beesha Caalamka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu magaalada caasimada ah ee Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka ee degan xerada Xalane.

Dhinacyada uu Deni qaabilay ayaa kala ah; James Swan, ergayga UN-ka u qaabilsan Soomaaliya, Fransisco Madeira, wakiilka Midowga Afrika iyo safiirka Mareykanka u jooga Muqdisho, Donald Yamamota.

Kulamadan oo si gaar-gaar ah u qabsoomay ayaa ka dhacay hoteel ku dhex-yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde] oo ammaankiisa aad loo adkeeyo.

Madaxtooyadda dowladda Puntland oo ku dhawaaqdey kulamadaan ayaa tiri "Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashada".

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in madaxda ay wadaxaajoodyadda diiradda ku saareen shirka lagu waddo in dhowaan u bilowdo dowlada iyo maamuladda si lamid ah xalka is-mari-waaga hadda jira.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa carqaladeynaya furitaanka shirkaas, isaga oo maamuladda taabacsan ku riixaya in ay qaadacaan shirkan ay agaasintay Beesha Caalamka.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kuwada sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay la kulmeen musharaxiin madaxwayne, siyaasiyiin kale iyo xubno ka tirsan saaxiibada caalamka.

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa shirka ay agaasintay Beesha Caalamka uu noqdo mid ku kooban saxiixa soojeedintii guddiga farsamada ee ku shiray Baydhabo, halka darafka kale rabo in laga xaajoodo amniga iyo xilheynta dhamaadka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM