Deni oo shir ugu baaqay hogaanka dowladda Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo sheegay in dowladda Farmaajo ku fashilantey qabyo-tirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah, hirgelinta nidaamka amniga iyo xasilinta dalka, ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble in la isugu yimaado "shir lamid ah kii 17-kii September si looga heshiiyo madmadowga ku geedaaman doorashooyinka".

Isaga oo ka hadlayey xiritaanka Madasha Aragti-wadaaga Heritage ee Garowe, Deni ayaa tilmaamay in Puntland diyaar u tahay martigelinta wada-xaajoodkaas, wuxuuna tibaaxay in uu ka qeybgalayo hadii goob kale lagu qabanayo.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirkaas lagu xalin doono waa is-qabqabsiga ka jira guddiyada lagu muransan yahay ee fadhigoodu yahay Muqdisho, xulista wakiialda Somaliland iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay xiritaanka Madasha Aragti-wadaaga Heritage ee Garowe, ayaa adkeeyay in wada-ogol laga gaaro talaabooyinka la qaadayo kahor dhamaadka muddo xileedka madaxda dowladda federaalka ee 8-da Febraayo, 2021, isaga oo ka digay go'aano hal dhinac ah.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo qiray in uu is-mari-waa ka taagan yahay heshiiska doorashooyinka ee September balse uu ku qeexay "qodobo yar-yar la isku hayo" ayaa rumeysan "qaarkood ay u baahan yihiin in dib loo dhigo". Shirarkii gaar-gaarka ahaa ee Garowe ka dhacay ayuu qeexay "in isu soo dhowaanshiyo sababeen xalna ka gaari doono".

"[Madasha Aragti-wadaaga Heritage ee Garowe] cidii lagu dhaliilay waxaan rajeynayaa in ay isku sixi doonto, haddeynaan jirina way iska ilaalin doontaa," ayuu carabka ku dhuftay Qoor-qoor.

Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ku nuux-nuuxsaday ahmiyada ay leedahay in la adkeeyo midnimada waddanka isla markaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaanta, isaga oo ayiday in doorashooyinka waqtigooda ugu dhacaan si la ogol-yahay.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in muhiim tahay in doorashada waqtigeeda ugu dhacdo si wada-ogol ah. Dhameystirka dastuurka ayuu xusay in muhiim u tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna ka digay in dhaqaalaha dalka la musuqmaasuqo.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ee waqtigooda ka dhacac ayaa ku wargeliyey "dowladda federaalka iyo maamulada – shacabka Soomaaliyeed in ay ka sugayaan doorasho shafaafiyad leh".

Madasha Aragti Wadaaga Heritage ayaa laga soo saarey war-murtiyeed kaasoo ay ku cad yihiin qodobo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dhismaha ciidamadda, ammaanka, hirgelinta nidaamka federaalka iyo qabyo-tirka dastuurka. Bayaanka wuxuu u muuqdaa mid isku-dheelatiran isla markaana ka qeybgaleyaashu diiradda ku saaraan xal u helida xaalada murugsan iyo in waddanka si nabad ah uga baxo mar-xaladda kala guurka ee uu ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidanka dowladda oo dagaal kula wareegay deegaanka Ceel-Baraf

Inkastoo aysan wali la shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka, ciidamada iskaashanaya iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay duuleedka Ceelbaraf.

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 07:32PM

Cunaqabataynta Al-Shabaab oo La Kordhiyay

Wakiilka Federaalka Ruushka ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in "arrinta Yemen ay u baahan tahay in si gaar ah loo tixgeliyo."

  • Soomaliya

    04-03-2025

  • 01:04PM