Hormuud Salaam Foundation Oo Agab Waxbarasho Ugu Deeqday Arday

Image
Image
Image
Image

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Ayaa Agab dhanka waxbarashada ka saacidaya gudoonsiisay ardayda Dufcada labaad ee Deeqda Waxbarasho ee Shirkadda Hormuud.

Munaasabada ardayda lagu gudoonsiinayay Agabkan oo ah laptop-yo loogu tala galay ardayda fursada u helay Barnamijka deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation ayaa lagu qabtay Xarunta Hey’adda Hormuud Salaam Foundation ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo sodon arday oo wax ka barta 11 jaamacadood ee dalka ayaa nasiib u helay in la siiyo agabkan oo ay bixisay hay’ada Hormuud Salaam Foundation.

Gudoomiye Ku xigeenka Hormuud Salaam foundation Cabdiraxman Ibrahim Cilmi oo ugu horeen ka hadlay munaasabada ardayda lagu gudoonsiinayay agabka waxbarasho ayaa kahadlay deeqda waxbarasho oo ay hormuud siisay Ardayda maanta lagudoonsiiyay laptop-yada.

Gudoomiyaha Hay’adda hormuud salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in deeqda waxbarasho loogu talagalay in loo soo saaro dadkii dalkan mustaqbalka wax u tari lahaa, waxaana uu kula dardaarmay ardayda in waqtigooda iyo nasiibkooda ay ka faa’iideestaan oo ay ka natiija keenaan waxbarashadooda islamarkaana ay dib u milicsadaan juhdiga waalidiintooda ay ku soo bixiyeen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay sameen doonaan wacyi galin iyo tababaro xiliyada fasaxa ardayda taasi oo looga faa’ideenaayo ardayda in sare loogu qaado garaadkooda, isagoo hoosta ka xariiqay in howlaha Hay’ada hormuud Salaam Foundation ay sal u yihiin Hormarinta Dalka.

Qaar kamid ah waalidiinta iyo ardaydii heshay agabka waxbarasho ayaa ka mahad celiyay fursadaan ay siisay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation iyagoo tilmaamay in ay dhameystirantahay habsami usocodka waxbarashadooda.

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM