Deni: Xalka wuxuu ku jiraa in Farmaajo loo caqli celiyo
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay shirka maamulka Farmaajo shaaciyey in uu fashilmo, qodobadii la isku-mari-waayey hadalkii wasiir Dubbe, iyo iyo cidda mas'uuliyada qaadeysa.
Deni oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa tibaaxay in shirka jaraa'id ee wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta uu ahaa mid horey loo diyaariyey "laguna talagalay in dadka lagu marin-habaabiyo".
"Waxaa layaab leh maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase cadaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, Wasiirka [Dubbe] maanta hadlay dabcan wuu nala joogay maanta dharka uu watay iyo kii codka ku qabtay kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, mas'uuliyadeeda cida howshaas qabatay ayaa qaadi doonta," ayuu ka dhawaajiyey.
Kadib markii ay isku mari-waayeen ajandaha shirweynaha doorashooyinka, Farmaajo ayuu xusay in uu codsaday wadatashi uu soo sameeyo "markii aan xafadaheena tagnay waxaan aragnay statement la diyaariyey oo lasii daayey".
Wuxuu ku daray: "Annaga shakigaas waan qabnay laakiin waxaan rabnay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan. Marka mas'uuliyadda wixii maanta ka dhacay halkaas madaxweynaha [Maxamed Farmaajo] cidna lama wadaagto".
Puntland iyo Jubaland ayaa soo jeediyey in shirweynaha maalintii koowaad uu noqdo mid ay ka qeybgalaan madaxda, saamileyda, afhayeenada baarlamaanka iyo Beesha Caalamka kana jeediyeen khudbado kala duwan.
Sidda uu xaqiijiyey Deni, maamuladda ayaa sidoo kale waxay soo jeediyeen in maalinta labaad ay si gooniya u shiraan madaxda dowlada federaalka iyo maamulada kana shiraan sidii doorashadda u noqon lahayd mid daahfuran.
"Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey lagama hadli karo 8-dii Febraayo wixii ka dambeeyay, amniga dalka anigaa madax ka ah, lagama hadli karo doorashadda iyo sidday u soconeyso anigaa u qabanaayo sidaan rabo. Hadaan laga hadleyn arrimahaa shirka doorashadda ee la qabanaayo waan garan waynay wuxuu noqonaayo," ayuu ka dhawaajiyey madaxwayne Deni.
Shaacinta dowladda federaalka ee in uu burburay shirka ayuu tibaaxay in looga gol-leeyahay in lasoo xiro rajada shacabka Soomaaliyeed ee ah in xal loo helo xaalada cakiran iyo "in laga leeyahay ujeedooyin kale oo guracan".
"Sikastaba ha ahaatee, annaga waxaan rabnay wax aan mugdi ku jiray oo miiska dushiisa yaala. Madaxweynahana waxaa lagu kari waayey wax lala og-yahay in ay noqdaan. Marka waxa aan lala ogeyn sababta uu u doonayo marka laga reebo annaga oo magaalada joogna in ay been naga sheegaan oo ay yiraahdaan ayagaa wax diidey oo wixii AHU Dhegobadan uu Shabaab ku sifeeyay oo ah Jid iyo jiha-diid hadda macnahaas dadka Soomaaliyeed ayay u taalaa," ayuu carabka ku dhuftey.
Ugu dambeyntii, Deni oo hoosta ka xariiqay in dhankooda diyaar ay u yihiin tanaasul ayaa sheegay in xalka uu ku jiro in cidka oo Farmaajo "wax ka maqlaayo ay u caqliso" kuna boorisay in xalka ku jiro nabad ee dagaal ku jirin.
GAROWE ONLINE