Denmark, Ireland iyo Poland oo safiiro cusub u soo dirsaday Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee waqtiga kasii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland iyo Poland ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Denmark Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda Dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Ireland, Fionnuala Quinlan oo warqadaheeda aqoonsi u gudbisay Madaxweynaha ayaa muujisay sida ay ugu hanweyn tahay ka mid noqoshada bahda diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjiraha Jamhuuriyadda Poland, Jacek Bazanski ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Andrzej Duda, isaga oo nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyey Madaxweynaha.

Dhankiisa, Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhaxeeya dalalka caalamka.

MDanjireyaasha cusub AYUU ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM