DF iyo musharaxiinta oo isku qabtay goobta banaanbaxa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo mabda' ahaan ay isla meeldhigeen in banaanbaxa uu ku qabsoomo jawi nabdoon, haddana Musharaxiinta iyo Xukuumadda Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaadey ayaa isku qabtay goobta uu ka dhacayo mudaaharaadkaas loo balansan yahay Sabtida.

Xukuumadda oo cuskaneysa sababo ammaaan ayaa soo jeedisay in isu-soo-baxa uu ka dhaco garoonka kubada cagta Eng Yariisow. Balse, waxaa dalabkaas ku gacan-seyray musharaxiinta oo ku adkeysatay in ay ku qabanayaan barxadda Daljirka Daahsoon ee magaalada caasimada ah.

Dooddan adag ayaa dhinacyadda waxay ku dhexmartay wadahadalo dheer oo ay yeesheen gelinkii dambe ee Arbacadii shalay ahayd.

Markii looga adkaadey dooda, xukuumadda xil-sii-gaarsiinta oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa dalab u dirtay qaban-qaabiyeyaasha.

"Ku adkeeya banaabaxayaasha in ay soo qaataan af-xirka iyo kala fogaanshiyaha," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumadda waqtiga ka dhacay ayaa dhowaan ku heshiiyey in banaanbaxa oo lagu dalbanayo in doorashooyinka ay ku qabsoomaan qaab daahfuran isla markaana loo-dhan-yahay.

Mudaaharaadka ayaa la filayaa in ay ka hadlaan Musharaxiinta isla markaana ay hadaljeedintooda diiradda ku saaraan mar-xaladda kala guurka ee waddanka ku jiro iyo talaabooyinka ay tahay in la qaado si looga gudbo isgoyskan iyadda oo la ilaalinayo xasiloonida iyo horumarka dowladnimadda.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM