DF oo amartey in Al-shabab loogu yeero UGUS iyo saxaafadda oo diiddey

Image

May 6, 2015 (GO)- Kadib markii Dowladda Federaalku saxaafadda Muqdisho ku amartey in hadda kadib Al-shabaab loogu yeerayo magaca UGUS oo laga so gaabiyey (Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed) ayaa waxaa arintaas cabasho xooggan ka muujiyey bahda saxaafadda.

Shir qaar kamid ah maamuleyaasha idaacadaha Muqdisho iyo ururrada xuquuqda saxaafadda u ololeeyaa Muqdisho ku yeesheen, ayaa si weyn loogu cambaareeyey amarka kasoo baxay dowladda, waxaana loogu baaqay dowladda in go'aankaas isaga ah ay dib u eegis ku sameyso.

Xasan Cali Geeseey oo ah agaasimaha dallad ay ku mideysan yihiin idaacadaha Muqdisho kana mid ahaa dadkii ka qayb galay kulankaas, ayaa u sheegay idaacadda VOA in dhammaan kasoo qayb galeyaasha kulanku isku raacen in fulinta amarkaasi halis gelin karto ammaanka wariyeyaasha iyo xarumaha warbaahinta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in laysku raacay haddii dowladdu ku adkeysato amarkan isaga ah in dhammaan xarumaha warbaahintu shaqo joojin sameeyaan.

Madaxa hay'adda nabad-sugidda Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Tuur-yare oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey maalinta saxaafadda dunida oo isla Muqdisho ka dhacde May 3, 2015, ayaa sheegay in hadda kadib warbaahinta laga doonayo in Al-shabaab ay ugu yeerto magaca UGUS, ciddii amarkaas ka madax adeygtana tallaabo laga qaadi doono.

Dhanka kale, Al-shabaab oo horay  iyaduna u amartey in loogu yeero (Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab) ayaa ku gooddidey in ciddi adeegsata magaca UGUS ay tallaabo adag ka qaadi doonto.

Soomaaliya oo kamid ah wadamada ugu halista badan dunida marka laga hadlayo shaqada saxaafadda, waxaa sanad kasta lagu dilaa warariyeyaal badan, kuwaasoo intooda badan ay bartilmaameedsadaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM