DF oo amartey in Al-shabab loogu yeero UGUS iyo saxaafadda oo diiddey

Image

May 6, 2015 (GO)- Kadib markii Dowladda Federaalku saxaafadda Muqdisho ku amartey in hadda kadib Al-shabaab loogu yeerayo magaca UGUS oo laga so gaabiyey (Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed) ayaa waxaa arintaas cabasho xooggan ka muujiyey bahda saxaafadda.

Shir qaar kamid ah maamuleyaasha idaacadaha Muqdisho iyo ururrada xuquuqda saxaafadda u ololeeyaa Muqdisho ku yeesheen, ayaa si weyn loogu cambaareeyey amarka kasoo baxay dowladda, waxaana loogu baaqay dowladda in go'aankaas isaga ah ay dib u eegis ku sameyso.

Xasan Cali Geeseey oo ah agaasimaha dallad ay ku mideysan yihiin idaacadaha Muqdisho kana mid ahaa dadkii ka qayb galay kulankaas, ayaa u sheegay idaacadda VOA in dhammaan kasoo qayb galeyaasha kulanku isku raacen in fulinta amarkaasi halis gelin karto ammaanka wariyeyaasha iyo xarumaha warbaahinta.

Wuxuu sidoo kale sheegay in laysku raacay haddii dowladdu ku adkeysato amarkan isaga ah in dhammaan xarumaha warbaahintu shaqo joojin sameeyaan.

Madaxa hay'adda nabad-sugidda Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Tuur-yare oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey maalinta saxaafadda dunida oo isla Muqdisho ka dhacde May 3, 2015, ayaa sheegay in hadda kadib warbaahinta laga doonayo in Al-shabaab ay ugu yeerto magaca UGUS, ciddii amarkaas ka madax adeygtana tallaabo laga qaadi doono.

Dhanka kale, Al-shabaab oo horay  iyaduna u amartey in loogu yeero (Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab) ayaa ku gooddidey in ciddi adeegsata magaca UGUS ay tallaabo adag ka qaadi doonto.

Soomaaliya oo kamid ah wadamada ugu halista badan dunida marka laga hadlayo shaqada saxaafadda, waxaa sanad kasta lagu dilaa warariyeyaal badan, kuwaasoo intooda badan ay bartilmaameedsadaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM