DF oo bogaadisay Mowqifka UAE ee 'Midnimada' Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay war dhawaan kasoo yeeray Imaaraadka oo ahaa in Abu Dhabi ay ka go'an tahay inay ilaaliso midnimada, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

War-Saxaafadeed ay shalay soo saartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay sidoo kale Imaaraadka uga mahad-naqeyso taageerada iyo doorka firfircoon ee uu ku leeyahay dib u dhiska dalka.

“Soomaaliya waxay Imaaraadka uga mahad-celineysaa mowqifkeeda ku aadan midnimadda Soomaaliya, iyo doorka uu ku leeyahay dib udhiska dalka oo ah mid aad umuuqata,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka taageerada dhinac walba ah la garab taagan dalka Soomaaliya, waxaana uu kamid yahay dalalka safka hore uga jiray tan iyo burburkii caawinta Soomaaliya, dhinacyada amniga iyo bini'aadanimada.

Balse, xiriirka labadda dal ayaa xumaaday markii laamaha amaanka ee Soomaaliya ay si fool xun uga dhaqmeen diyaarad lacag usiday ciidamada xooga dalka, taasoo mad-madow hadda soo kabanaya ka dhex abuurta labada dal.

Isku soo dhawaanshaha labadda dal ayaa la rumeysan yahay inuu yimid markii masuuliyiinta ugu sareysa labada dal ay yeesheen kulamo lagu xaliyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya oo hadda soo hagaagaya.

Safiirka Imaaraadka ee EU, Belgium iyo  Luxembourg, Mohammed Issa Al Suwaidi, ayaa ka sheegay shirkii 16-kii iyo 17-kii bishan ka dhacay Brussels, in Imaaraadka uu ka shaqayn doonayo sidii loo soo celin lahaa xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.

Al Suwaidi ayaa sidoo kale daboolka ka qaadey in UAE uu taageerayo dedaallada wax looga qabanayo caqabadaha siyaasadeed, amaanka iyo horumarka ee ka jira dalkan ku yaalla geeska Africa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM