DF oo cambaareysay ismiidaamin ka dhacday Baqdaad

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay cambaareyneyso qaraxyo mataano ah oo Khamiistii todobaadkan ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaapa caasimadda Ciraaq ee Baqdaad.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Muqdisho ayaa tacsi loogu diray qoyska, ehelke iyo asxaabta dadkii ku nafwaayey falkaas.

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan," ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda kasoo baxay.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq ayaa waxa ay markale ku celinaysaa inay ku garab taaggantahay walaalaha Ciraaq dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan nabadda iyo deganaanshaha, ugana hortagaan nooc kasta oo argagaxiso iyo xagjirnimo, waxayna muujineysaa inay ka damqanayso dhibtaasi, uguna tacsiyeynayso qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo u rajeynaysa dadka ku dhaawacmay soo kabasho degdeg ah".

Inta la xaqiijiyey 32 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaas ismiidaaminta ahaa, waxaana ku dhaawacmay tirro ka badan 10 ruux. Sidda ay sheegeen saraakiil caafimaad, khasaaraha wuu kasi badan karaa intaas.

Suuqa ay beegsadeen laba naftood haligeyaal ayaa lagu iibiyaal dharka Huudheyda. Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda weeraradan.

Is-qarxintan ayaa soo gabagabeysay bilooyin ay xasilooni ku jirtay magaala madaxda Ciraaq ee Baqdaad kadib heshiis xabad-joojin oo aan rasmi ahayn kaasoo dhexmaray dhinacyasa ku lugta leh colaada dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM