DF oo ciidamo horleh ku daabushay gobolka Gedo

Image
Image
Image
Image

DOOLOW, Gedo - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Jimcadda maanta ah waxay ciidamo, gaadiid dagaal iyo hub horleh ay ku daabushay magaaladda Doolow ee gobolka ay Jubaland xoogga kala wareegtay ee Gedo..

Sawirro laga soo qaadey gaadiidka ayaa muujinaya in ay ku buufsan tahay astaanka Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan askartan la geeyay gobolka Gedo oo kasoo baxay Taliska NISA iyo guud ahaan xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in ciidamadan ay qaarkood yihiin dagaalameyaal kasoo goostey iyo qaar iska soo dhiibay maleyshiyadda argagixisada ah ee Al-Shabaab kuwaas oo dhaqan-celin loogu sameeyay xarunta Sarinde ee Muqdisho.

Gobolka Gedo oo laga soo doorto in ka badan 10 Xildhibaan ayaa kamid ah caqabadaha hortaagan doorashooyinka gaar ahaan in Jubaland ay maamusho, arrintaas oo maamulka Farmaajo kasoo horjeedo.

Talaabadda ay dowladda Soomaaliya ciidanka ugu daad-gureysay gobolka Gedo ayaa kusoo hagaageysa xilli lagu waddo in shir looga xalka khilaafka doorashada oo gobolka Gedo ugu muhiimsan tahay uu furmayo.

Dad badan ayaa rumeysan in talaabadan ciidanka lagu geeyay gobolka ay dab kusii shideyso is-mari-waaga hadda taagan isla markaana ay suurtagal tahay in ay sii murjiso xalka kasta oo shirka Muqdisho ka dhacaya ka imaan lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM