DF oo diiday qorshaha howlgalka QM iyo Midowga Afrika ah ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladd kasoo horjeeddo in AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay qeyb ka yihiin Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Dawladda Soomaaliya ayaa carabka ku adkaysa ay ay si adag u diiddan tahay qorshaha hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, kaasoo uu meel-mariyay Gudiga Nabada iyo Amaanka AU-da.

Diidmada DF ayaa timid kadib markii Maalintii shalay ay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu sheegay inuu taageersan yahay hawlgalka wadajirka ah, kaasoo lagu bedelay AMISOM marka ay dalka ka baxdo wixii ka dambeeyay Dec 2021.

Guddi qiimayn ah oo ka socda Midowga Afrika kaasoo u kuur-galay xaaladda Soomaaliya ayaa soo jeediyay qorshaha Ciidanka isku dhafka ah loogu soo dirayo dalka, si aan gacanta uga bixin guulihii la gaarey sanadihii dambe ee xagga amniga.

Soomaaliya waxay diiday qorshahaas bishii July ee sannadkan. Fulinta qorshahan muranka dhaliyay ayaa u baahan ogolaanshaha Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka ee fadhisa Muqdisho.

Dawladda Soomaaliya ayaa doonaysa in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejiyo ciidamada qaranka kahor inta uusan bixin askariga ugu dambeeya ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM