DF oo eedeysay Kenya una dirtey digniin xooggan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah eeSoomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay "hubeyneyso jahbad xasilooni darro ka abuurto gudaha Soomaaliya".

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Muqdisho oo telefishinka dowladda faafiyey, "maleyshiyadaas ayaa lagu soo daabulay" xuduudka labada waddan.

"Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka," ayaa la raaciyey.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

Todobaadkii hore, dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka u jartey dhigeeda Kenya iyadda oo ku eedeysay "in ay si joogto ah ugu xadgudubto madax-banaanida Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM