DF oo iska fogeysay eeda askarta "lagu laayey" Tigray
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ganafka ku dhufatay wararka sheegaya in ay ciidankii ay tababarka ugu dirtey Eritrea ay ka qeyb-qaateen dagaalkii gobolka waqoyga Itoobiya dhaca ee Tigray.
Cusmaan Dubbe, wasiirka warfaafinta xukuumadda Muqdisho oo xalay ka hadlay telefishinka ku hadla afka dowlada, ayaa "Ku-tiri-kuteyn, been abuur iyo mala-awaal" wuxuu ku sifeeyay sheegashooyinkaas hareeay baraha bulshada.
"Waxaa nasiib darro ah in ciidanka xoogga laga dhex-raadiyo siyaasad," ayuu yiri, isaga oo intaas kusii daray: "Ma jiro ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsatay in ay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan gobolka Tigray".
Mr Dubbe ayaa si ku talagal ah wuxuu uga fogaaday in uu xaqiijiyo in ay jiraan ciidamo dowladda federaalka ah si qarsoodi ah tababar ugu dirtey Asmara.
"Sidoo kale, waxaan caddeynayaan in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo dalalka inoo tababaraya ay u direen goob dagaal," ayuu ku nuux-nuuxsaday.
Wasiirka ayaa tibaaxay: "Horey ayaa loo faafiyey daayacado ku saabsan in ay jiraan ciidan Soomaaliyeed oo la dagaalamay Libya iyo Azerbabajan; sidii ay kuwaas u beenoobeen ayay been iyo mala awaal u yihiin kuwaanna".
Siyaasiyiinta iyo wariyeyaasha ayuu waydiistey "in aysan suuq ka raadin in ay hooyinka ku kicin barabagaando; waxayna noqoneysaa hagar-daamo".
Inkasta oo uusan magac gaar ah sheegin, wasiir Dubbe ayaa uga mahadceliyey "dowladaha saaxiibada nala ah" ee ka qeyb-qaadanaya dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliyeed "si qaranimada waddankeeda dib ugu soo kabato".
Taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka Qaranka, Cabdisalaam Guuleed, ayaa sheegay in guuto iyo bar askar ah oo dowladda tababar ugu dirtey Eritrea laga dagaal-geliyey gobolka Tigray ayna halkaas ku dhamaadeen boqolaal.
Siyaasiyiin ay kamid yihiin musharaxiin madaxweyne ayaa waalidiinta carurutooda maqan tahay ku booriyey in ay codkooda mideeyaan ayna la hadlaan dowladda ayaga oo tibaaxay "in ay khiyaano qaran tahay" hadii la xaqiijiyo arrintan.
GAROWE ONLINE