Qodob la diidey in lagu daro bayaankii shirka Heritage

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka goos-adeegaya wadahadalo la isugu yimaado si xal loogu helo khilaafka ka taagan in doorashooyinka 2020-21 ay wada-ogol ku qabsoomaan, sidda uu fahansan yahay Garowe Online.

Illo loo-qaateen ah ayaa u sheegay mareegga GO in madaxda dowladda federaalka ee ka qeybgalay Madasha Aragti Wadaaga Heritage ee Garowe ay kasoo horjeesteen in war-murtiyeedka lagu daro qodob ku baaqaya in ay wada-xaajood isugu yimaadaan dowladda iyo maamulada si ay uga arrin-sadaan qodobada la isku hayo.

Is-hor-taaga madaxda dowladda federaalka ayaa dhabaha u xaarey in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu si madax-banaan ugu baaqo hogaanka dalka ee waqtiga kasii dhacayo in la qaban-qaabiyo shirwayne lamid ah kii September laguna gorfeeyo xalka khilaafka jira.

Inkasta oo shirkaas looga heshiiyey nooca coddeynta, haddana wuxuu is-mari-waagu ka jiraa habraaca si gaar ah magacaabida guddiyadda, degaan doorashooyinka, xulista wakiilada Somaliland iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo oo ah qadiyad aan heshiiska ku jirin balse madaxda Jubaland iyo federaalka "isku raaceen in qaab farsamo loo xaliyo".

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa isaga oo ka hadlayey Madasha Heritage ee Garowe wuxuu sheegay in dhanka dowladda federaalka ka fuliyeeyay habraaca iyo heshiiskii September.

Ma ahan markii ugu horeysay oo hogaanka dowladda federaalka uu caqabad ku noqdo wadaxaajoodyo xal loogu goobayo muranka coddeynta 2020-21.

Warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale wuxuu fahansan yahay in madaxda dowladda federaalka ay diideen in hogaamiyeyaasha maamulada ay Muqdisho u tagaan ka qeybgalka Shirkii Somali Partnership ee Muqdisho kuna adkeysteen in ay hab fogaan arag ah kaga soo muuqdaan.

Xogta ayaa muujineysa in madaxda dowladda federaalka ay talaabadaas u qaadeen "si ay uga hortagaan wadahadalo qabsooma kadib gunaanadka shirka".

Wakiiladda Beesha Caalamka ee xaadiray Shirkii Somali Partnership ee Muqdisho ayaa ku taliyey in qaab wada-ogol ah lagu dhameeyo tabashooyinka ku xeeran geedi u socodka doorashooyinka, ayaga oo ka digay hadalada xanafta leh iyo nidaam doorasho oo hal dhinac ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM