DF oo Kenya u ogolaatey inay Qunsuliyado ka furato Kismaayo iyo Hargeysa

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo Isniinta maanta ah hortagay Aqalka Sare ayaa sheegay in dowlada Federaalka u ogolaatey Kenya inay qunsuliyado ka furato magaalooyinka Kismaayo iyo Hargaysa.

Kenya ayaa haatan safaarad ku leh magaalada caasimada ah ee Muqdisho, taasoo laga dhisay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

"Kenya iyadda ayaa ina waydiisatay, waanu u ogolaanay. Dal walba oo aan la kulano waxaanu waydiisanaa inuu magaalooyinka dalka ka furto qunsulyadu,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo kahor hadlayay Aqalka Sare.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa dafiray in xukuumada Soomaaliya ay codsatay in deeq-bixiyayaasha dhaqaalaha ka joojiyaan Somaliland, isagoo inska indha-tiray qoraal kasoo baxay Wasaarada Qorshaynta June, 2018 dalabkaasi lagu caddeeyay.

“Inaga ayaa caalamka u waydiina in la siiyo taageero dheeri ah,” ayuu ku jawaabay Wasiirka markii Senataro kasoo jeeda Somaliland oo Aqalka sare ka tirsan ay arrintaasi wax ka waydiiyeen wasiir Cawad.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, isagoo ka dalbaday dalalka caalamka inay dhowraan arrintaasi.

Hadalka Cawad ayaa kusoo beegmaya xilli maalin kahor Madaxweyne Farmaajo khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta, oo ay kawada hadleen arrimo khuseeya xiriirka labada wadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM