DF oo kicin dadweyne kawada degaanada maamulada
GAROWE, Puntland – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqata in ay dardargelisay ololaha maamulada kasoo horjeeda ugu kicineyso shacabka ku nool xilli is-faham-waaga doorashooyinka aan wali xal loo helin.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa kasii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhalinyaro lagu sheegay "is-xil-qaamayaal," sidda uu muujinayo muuqaal la faafiyey.
Dhalintaas ayaa ku nool Carmo oo ah degmo ku taala gobol Bari. Degmadaan waxay magaalo madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso ay u jirtaa in ku dhow 100 KM.
"Waxaan jeclahay in aan xiriir joogto ah yeelano. Waxaan jeclaan lahayn in qaarkii aan caasimdda dalka ku aragno oo aad qeyb ka noqotaan dhaqdhaaqyada dalka oo dhan ku baahay ee dhalinyaradda wadaan," ayuu u sheegay.
Farmaajo oo adeegsanaya erayo waddanimo ayaa intaas ku daray "idinkana shaqadiina qabta annaga qeybteena ayaan qabaneynaa".
"Dalkan idinkaa iska leh u istaaga u dhaqaaqa u midooba. Insha Allah waxaan rajeynayaan in kuligeen guul aan wada gaarno," ayuu kusoo xiray Farmaajo oo musharaxiin badan doonayaan in uusan xafiiska kusoo laaban.
Tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya afar sano kahor, Farmaajo ayaa aad ugu mashquulay sidii maamulada madax uga dhigi lahaa madax taabacsan si uu ugu soo laabto doorashooyinka sanadka 2020-21.
Inkasta oo qeyb kamid ah qorsheyaasha uu u hirgalay, haddana wuxuu ku guuldareystay in uu farageliyo doorashooyinka Jubaland iyo Puntland – oo ah labada maamul ee haatan is-hortaagaya damaciisa coddeynta.
Markii ay ku fashilantay faragelintaas, Villa Soomaaliya ayaa doorbiday kicinta dadweynaha iyo abuurida rabshado siyaasadeed si ay u cadaadiyaan madaxda labada maamul taas oo carqalad ku noqotay wadashaqeynta.
Wadashaqeyn la’aantaas ayaa dhabaha u xaartey in doorashooyinka 2020-21 ay noqon waayaan qof iyo cod, in dastuurka la dhameystiri waayo, in aan wali laga adkaan Al-Shabaab iyo hakad ku yimid wadahadalkii Somaliland.
GAROWE ONLINE