DF oo ku adkeysatay in "shirka Farmaajo" ka dhacayo Garowe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay baaqii kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee hogaanka Soomaalida ku booriyey in ay shir deg-deg ah ka yeeshaan xalinta is-faham-waaga ka taagan coddeynta heer qaran.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo ammaanay baaqaas ayaa sidoo kale wuxuu shaaca ka dhigay in xukuumadda muddo xileedkeeda uu dhamaadey ay dooneyso in wadahadalka ka dhaco Garowe.

"Waxaan kaloo aanu tixgelinaynaa baaqii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay oo nagula talinayey in aan isugu imaano shirar dambe si aan doorashadda u bilowno," ayuu ku daray. "Golaha Ammaanka waa hay'adda ugu sareysa aduunka ee amniga iyo sharciga".

Mr Dubbe ayaa si aan toos ahayn wuxuu ugu eedeeyay dowlad goboleedyadda Puntland iyo Jubaland in ay mas'uul ka yihiin dib-u-dhaca doorashooyinka qaranka ku yimid lixdii bilood ee aynu kasoo gudubnay.

"Runtii maanta uma baahnin in lugta la jiido. Waxaynu u fahmeynaa lixdii bilood ee u dambeysay sidii lugta loo jiidayey in illaa hadda loo jiidayo lugta. Laakiin dowladda federaalka iyo madaxdeeda waxaa ka go’an in shir la isugu yimaado, in Garowe la isugu yimaado 15-ka bishana la isugu yimaado si loo fuliyo heshiisyadii 17-kii September, dalkuna doorasho u aado," ayuu ka sheegay munaasabad uu taliska booliska ku qabtay magaalada Muqdisho.

Dowladda Puntland oo soo dhaweysay shirkaas uu 15-ka Febraayo u muddeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa sheegtay in aan lagala shan in uu ku qabsoomo magaala madaxda Garowe.

Jubaland, Aqalka Sare iyo Midowga Musharaxiinta ayaa taageeray go’aanka Puntland oo uu wehliyay in shirka Muqdisho ku qabsoomo ayna kasoo qeybgalaan dhamaan saamileyda siyaasadda iyo Beesha Caalamka.

Villa Soomaaliya iyo xubno kamid ah diblumaasiyiinta caalamiga ah ayaa si xoogan waxay uga soo horjeedaan in wadatashiga la balaariyo isla markaana musharaxiinta ay kaalin ku yeeshaan qaabka nabdoon ee waddanka uga bixi karo mar-xaladda kala guurka ah ee uu hadda ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM

Axmed Madobe: Xamase Cabdi Barre waa Shaqaale aan lahayn go'aan qaadasho

Markii uu ka hadlayay dagaalladii dhawaan ka dhacay Raskamboni ee u dhexeeyay ciidanka Federalka iyo Ciidamada Jubaland, Axmed Madobe.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 11:59AM