DF oo ku eedeysay Jabuuti in ay la safatay Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa naqdisay warbixin uu soo saarey guddiga urur goboleedka IGAD u saarey xaqiiqo-raadinta xiisadda kala dhaxeysa Kenya ee sababtay in xiriirka u jarto Nairobi.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Muqdisho, Cismaan Abuukar Dubbe oo Arbacada maanta ah shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa shaaca ka dhigay in dowladiisa ay warbixinta ku noqotay "fajac, amakaak, iyo qaadan-waa".

Mr Dubbe ayaa carabka ku adkeeyay in guddiga uu waxba kama jiraan kasoo qaadey eedaha ay Soomaaliya u cusakatay xiriirka ay u goysay dalka Kenya.

"Hawada oo lagu soo xadgudubay waxay yiraahdeen Soomaaliya ayaa qaldaneyd oo aan kala eegin diyaaradaha xamuulka, kuwada dadka qaada; waxay ka hadleen in ciidamadda Kenya in aysan imaan xuduudka Soomaaliya, waxay qoreen in arrintu tahay arrin horey oo Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeysay ee aanay ahayn arrinta hadda keentay in cilaaqaadka u jarno waxay isticmaaleen "the long-standing grievance"; the long-standing grievance-ka ka dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ma jirin oo aan ka ahayn arrinta badda," ayuu tibaaxay.

Dowladda Jabuuti oo lix xubnood ku lahayd guddigan booqdey xuduudka xiisadda ka taagan tahay ee labada waddan ayuu ku eedeeyay in ay la safatay Kenya.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, xubnaha guddiga ayaa diidey in ay booqdaan gobolka Gedo ayna laba jeer tageen waddanka Kenya iyo ismaamulka Mandera.

Inkatsa oo uu ka dhawaajiyey in ay soo dhaweynayaan guddiga, haddana warbixinta ay soo saareen ayuu ku qeexay "mid hal dhinac ah oo ay Kenya qortay".

Dubba oo tibaaxay in warbixinta ay wiiqeyso xiriirka walaaltinimada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ku baaqay warbixinta laga noqdo isla markaana raaligelin laga bixiyo.

Kadib shir-madaxeed ay dalalka xubnaha ka ah IGAD ku yeesheen magaala madaxda Jabuuti bishii December, 2020-kii ayaa lagu dhawaaqay guddigan.

Dhanka kale, Jabuuti iyo Kenya ayaan wali ka jawaabin sheegashadda Soomaaliya oo kusoo hagaageysa maalmo kadib dagaal qaraar oo ka dhacay magaala xuduudeedka Beledxaawo kaasoo u dhaxeeyay askarta Jubaland iyo dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM