DF oo lagu dhaliilay inay taageeri wayday kooxda Macawiisley

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilldhibaanadda Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah yeeshay xaruntooda caasimadda dalka ee Muqdisho Fadhigoodii caadiga ahaa, kaasi oo qayb ka ah Kal-fadhiga afaraad ee Gollaha.

Ajdanaha kulanka oo ay soo xaadireen in ka badan 100 mudane ayaa ahaa ka doodista wax ka bedal lagu sameynayo xeer-hoosaadka Golluhu ku shaqaynayo, kaasi oo uu soo gudbiyey Guddiga qaabilsan.

Dooda wax ka bedalka xeer-hoosaadka oo Xilldhibaanadda u socotey mudooyinkii dambe ayaa maanta mudanayaasha hadley waxay soo jeediyeen qodobo ay sheegeen inay muhiim tahay in laga saaro, maadaama uu ka hor-imaanayo Dastuurka dalka.

Dhinaca kale, mudanayaal kale oo goobta ka hadley ayaa soo hadal-qaadey dagaal todobaadkan iyo kii ka horeeyay ku dhex-maray qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo udhaxeeyay Xoola dhaqato la magac-baxdey Macwiisley iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka oo lasoo wariyey tirro labo jeer ah ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan Tobban mudane, kuwaasi oo ka kala tirsan dhinacyadda dagaalamey, xili dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Sharci-dejiyaasha ayaa ku dhaliilay dowladda inay ka gaabisay sidii dadka is-abaabuley ay uga taageeri lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Shabaab, maadaama saanad ciidan ahaan aysan la bac-bac dhigi karin kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacidda.

Hadalka Xilldhibaanadda ayaa kusoo aadaya xili taliyaha ciidanka xooga dalka Indha-qarshe uu sheegay inay diyaar uyihiin sidii ay kooxda Macawiisleyda ka taageeraan olalaha ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo ay ku waayeen hogaamiyahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM