DF oo midnimo u muujisay Sacuudiga oo Mareykanka u hanjabey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa garab istaag iyo midnimo u muujisay Sacuudiga, oo xilligan cadaadis xooggan iyo hanjabaadyo cunaqabateyn kala kulmaysa dowladaha reer galbeedka oo Mareykanka uu kamid yahay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Villa Somalia ay kasoo horjeedo cid kasta oo isku dayeysa inay dhibaato gaarsiiso ama wax u dhimeysa boqortooyadda Sacuudiga.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa lagama maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeedooyin kale leh oo lagu hagardaaminayo boqortooyada Sacuudi Carabiya," ayuu lagu yiri War Saxaafadeedka.

Dowladda Federaalka ayaa garab-taag dhameystiran u muujisay Sacuudiga, iyadoo go'aankana uu yimid kadib markii maalmo kahor uu Ra'iisul Wasaare Khayre booqasho labo maalmood qaadatey ku tagey magaalada Riyadh, oo uu kula soo kulamay boqor Salman iyo wiilkiisa dhaxal-sugaha ah, Maxamed Bin Salman.

Safarka Khayre ayaa ka dambeeyay markii uu isaga ka codsaday Sacuudiga inay casuumaad usoo dirto, waxaana booqashadiisa salka ku haysay sidii Xukuumadiisa usoo celin lahayd xiriirka Boqortooyadda dalkaasi, oo xumaaday markii Qadar la safatay.

Waa markii labaada sanadkan gudahiisa oo dowladda Federaalka ay taageero u muujinayso Sacuudiga, iyadoo dhawaan sidan oo kala ula safatay markii ay iskhilaafeen Canada.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa "ciqaab darran" ugu hanjabey Sacuudiga haddii ay ku cadaato inay ka dambeeyaan dilaka Suxufiga Jamal Khashoggi oo 2-dii bishan lagu waayay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, Turkey.

Dhaqaalaha Sacuudiga ayaa si deg deg ah hoos ugu dhacay markii ay so baxday hanjabaad Trump, iyadoo Xukuumadda Riyadh ayaa wacad ku martay inay ka aar-gudan doonto cid kasta oo isku dayda inay cunaqabateyn saarto.

WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM