DF oo shaacisay magaca sarkaal Shabaab oo Muqdisho lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgal ciidamadda dowladda ka fuliyeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadda Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo mid kamid ahna uu yahay sarkaal sare.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Qaasim Axmed Rooble ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka ay ku khaarijiyeen madaxii Amniyadka ee xoogaga Al-Shabaab uqaabilsanaa degmooyinka Yaqshid iyo Hiliwaa tan iyo 2015.

Rooble ayaa tilmaamay in sarkaalka ay dileen lagu magacaabo Abuukar Xasan Cadde, kaasoo Al-Shabaab looga dhex-yaqiiney Sayid Abuu Karey, isaga oo ugu goodiyey dagaalamayaasha kale ee Al-Shabaabka ah inay beegsan doonan.

Macluumaadka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada Booliska Soomaaliya shalay oo Isniin ahayd uu ku dhintay Hal Askari, taasoo ka dambeysay kadib iska caabin uu Abuu Karey, sameeyay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka howlgalkooda uu ahaa inay nolasha kusoo qabtaan Abuu Karey, laakiin markii uu iska caabin uu sameeyay ay toogteen.

"Ciidamada Booliska, waxay dhowr jeer isku dayeen inay nolasha ku qabtaan, balse ma suurtagalin, shalay waxay ahayd maalintiisa, wuxuu sameeyay iska caabin taasoo dhalisay inay toogtaan laamaha amniga," ayuu Qaasim hadalkiisa raaciyey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Afhayeenka ayaa daboolka ka qaaday in Abuu Karey uu horey ula shaqeeyay Saraakiil kale oo ay khaarijiyeen ciidamada DF, kuwaasoo magacyaddooda uu ku kala sheegay; Ciise Tarabuun, Jacfar Kuukay, iyo Liibaan Jaraaye.

Maalmihii udambeeyay hay'addaha amaanka ee Soomaaliya ayaa sarre u qaaday gulufka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan degmooyinka gobolka Banaadir, inkasta oo todobaadyadii udambeeyay ay Qaraxyo ka dhaceen caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM