DF oo si dadban go'aan uga soo saartey banaanbaxa
MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqdey go'aano ay la shaaca ka dhigtey in lagu xakameynayo safmareenka Covid-19.
Amaradan oo ciidanka la faray in ay dhaqan-geliyaan ayaa kusoo hagaagaya maalin kahor banaanbaxa ay Jimcadda todobaadkan u asteeyeen Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda.
Go'aanadda waxaa si wadajir ah ugu dhawaaqay wasiirada warfaafinta, ammaanka iyo caafimaadka oo maanta warfidiyeenka kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho
Go'aanadda xukuumadda soo rogtay ayaa kala ah;
In la fasaxay shaqaalaha dowladda marka laga reebo inta muhiimka ah
Xirashadda afsaabka iyo joogteynta kala fogaanshiyaha
Yareynta isu-soo-dhowaanshiyaha dadka sidda safarada
Masaajidada oo laga dhaqan-geliyo kala fogaanshiyaha
Ciidamadda oo la faray in ay dhaqan-geliyaan amaraddan
In la mamnuucay isu-imaatinka dadweynaha
Wasiirka amniga, Xasan Xundubeey Jimcaale oo ka jawaabay su'aal laga waydiiyey mamnuucida isu-soo-dhowaanshiyaha dadka ay la xiriirto banaanbaxa musharaxiinta ayaa jawaab cad bixiyey.
"Banaanbaxu wuxuu kamid yahay isu-imaatinka dadweynaha, isu-imaatinkuna waa la mamnuucay," ayuu kaga jawaabay su'aashaas oo uu waydiiyey wariye ka qeybgalay shirka jaraa'id.
Sikastaba ha ahaatee, dhawaqa wasiirka ayaa u muuqda in dowladda ay si dadban go'aan uga soo saartey mudaaharaadka oo lagu dalbanayo doorashooyin daahfuran in uu xilka ka dego Farmaajo.
GAROWE ONLINE