DF oo si dadban go'aan uga soo saartey banaanbaxa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqdey go'aano ay la shaaca ka dhigtey in lagu xakameynayo safmareenka Covid-19.

Amaradan oo ciidanka la faray in ay dhaqan-geliyaan ayaa kusoo hagaagaya maalin kahor banaanbaxa ay Jimcadda todobaadkan u asteeyeen Midowga Musharaxiinta madaxtinimadda.

Go'aanadda waxaa si wadajir ah ugu dhawaaqay wasiirada warfaafinta, ammaanka iyo caafimaadka oo maanta warfidiyeenka kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho

Go'aanadda xukuumadda soo rogtay ayaa kala ah;

In la fasaxay shaqaalaha dowladda marka laga reebo inta muhiimka ah

Xirashadda afsaabka iyo joogteynta kala fogaanshiyaha

Yareynta isu-soo-dhowaanshiyaha dadka sidda safarada

Masaajidada oo laga dhaqan-geliyo kala fogaanshiyaha

Ciidamadda oo la faray in ay dhaqan-geliyaan amaraddan

In la mamnuucay isu-imaatinka dadweynaha

Wasiirka amniga, Xasan Xundubeey Jimcaale oo ka jawaabay su'aal laga waydiiyey mamnuucida isu-soo-dhowaanshiyaha dadka ay la xiriirto banaanbaxa musharaxiinta ayaa jawaab cad bixiyey.

"Banaanbaxu wuxuu kamid yahay isu-imaatinka dadweynaha, isu-imaatinkuna waa la mamnuucay," ayuu kaga jawaabay su'aashaas oo uu waydiiyey wariye ka qeybgalay shirka jaraa'id.

Sikastaba ha ahaatee, dhawaqa wasiirka ayaa u muuqda in dowladda ay si dadban go'aan uga soo saartey mudaaharaadka oo lagu dalbanayo doorashooyin daahfuran in uu xilka ka dego Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM