DF oo u sheegtay Haysom inaan Somalia laga rabin, kana sii shaqeyn karin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Federaalka ayaa ku dhawaaqday in wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, uu yahay mid aanan gabi ahaanba dalka looga baahneen, kana shaqayn karin.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya, go’aanka ayaa ayaa yimid markii uu baalmaray hab-maamuuska xafiiska Qaramada Midoobay.

Wasaarada Arrimaha dibadda ayaa intaasi ku dartay in talaabadaan ay salka ku hayso markii uu “si cad u farageliyay Haysom madaxbanaanimada dalka Soomaaliya”.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii uu Haysom ka dalbaday Wasaaradda Amniga inay jawaabo ka bixiso xariga Mukhtaar Roobow iyo rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo bishii hore December ee sanadkii 2018 iyo 15 qof oo shacab ah oo lagu dilay. [Halkan ka akhri warka]

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen UN-ka, Midowga Yurub, dowladaha Ingiriiska iyo Jarmalka ayay ku shaaciyeen inay joojiyeen ataageeradii booliska Koonfur Galbeed, kadib markii ay ku lug yeesheen dilka dadka shacabka ah.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM