Villa Somalia oo war kasoo saartey wada-hadallada Somaliland [Akhriso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay wado dedaallo ay dib ugu billaaabeysa wada-hadalladii maamulka Somaliland, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Kulankii shalay ee Gollaha Wasiiradda ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii loo dhowri lahaa midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyadoo la dardargeliyo wada hadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Isagoo warbaahinta uga warbixinayay go'aannada Shirka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda, Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa sheegay inuu socdo qorshe wadahadalka lagu billaabayo.

Wada-xaajoodka oo dhowr mar lagu qabtay dalalka Ingiriiska, Turkiga iyo Imaaraadka mudadii ay jireen labadii dowladood ee ugu dambeeyay, balse aan wax natiija ah kasoo bixin ilaa hadda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisa uusan wax wadahadal ah la geli doonin Xukuumadda Muqdisho, illaa ay aqoonsi ka hesho.

Somaliland ayaa shaacisay 1991 inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse illaa hadda aan ku guuleysan inay hesho aqoonsi caalami ah, taasina ay uga xiran tahay Koonfurta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM