DF Soomaaliya iyo AMISOM oo xoojinaya fulinta qorshaha kala guurka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Sabtidii Muqdisho wuxuu la kulmay saraakiil tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinacyada uu wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka la fariistay waxay kala yihiin, ku xigeenka madaxa AMISOM, Simon Mulongo iyo taliska taliska.

Si lamid ah waxaa shirka goobjoog ka ahaa lataliyaha qorshaha kala guurka Jenaraal Cusmaan Subagle, sarkaal u dhashay dalka Jabuuti.

Taliyaha howlgalka AMISOM waxaa lagu magacaabaa Tigabu Yilma Wondimhunegn, waana Jenaraal u dhashay dalka Itoobiya.

Mas'uuliyiinta ayaa kawada hadley ammaanka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay qorshaha bixitaanka AMISOM si lamid ah dardargelinta fulinta qorshahaasi.

"Aniga oo ay i wehliyaan taliyaha AMISOM, Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo lataliyaha qorshaha kala guurka, Gen. Osman Soubagely waxaan la kulmanay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo aan kawada hadley ammaanka Soomaaliya iyo horumarka laga sameeyay qorshaha kala guurka AMISOM," ayuu yiri Simon Mulongo, ku xigeenka madaxda AMISOM.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan madaxda AMISOM uu tilmaamay in qorshahaasi uu si fiican u socdo.

Xoogaga shisheeye ayaa la filayaa in ay wadanka saga hayaamaan 2020-21, mas'uuliayadana ku wareejiyaan ciidamo Soomaali ah.

Dhowaan ayay ahayd markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey uu muddo hal sano ah u kordhiyey taliska iyo in ciidamo kun ah laga dhimo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ansixiyey muddo kordhintaasi oo qeexeysa in AMISOM ay dalka baaqi kusii ahaan doonto illaa iyo ay ka qabsoomeyso doorashadda qof iyo cod ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa dalka soo galey 2007-dii, iyaga oo Muqdisho ka saarey Al-Shabaab, inkasta oo horumar la taaban karo aysan ka sameynin gulufka ka dhanka ah kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM