Soomaaliya oo bogaadisay heshiis ay gaareen dhinacyada Sudan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiska ay Jimcadii kala saxiixdeen dhinacyadda ku lugta leh siyaasadda waddanka Suudaan.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo war-fidiyeenka kula hadlay Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in xukuumadiisa ay bogaadineyso Axadigaasi.

Hadalkan ayuu Mr Cawad u sheegay saxaafadda kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen madaxda wasaaradda iyo xubnaha Beesha Caalamka gaar ahaan diblumaasiyiinta.

"Diblumaasiyiinta iyo caalamka waxaan u caddeynay in aan soo dhaweynayno heshiiskaasi," ayuu Mr Cawad u sheegay wariyeyaasha, kadib shir jaraa'id oo u qabtey kulankaasi.

Jimcadii ayay ahayd markii dhinacyadda Suudaan ay gaareen heshiis kaasoo soo afjaraya dibad-baxyo iyo qalalaaso wadankaasi ka taagnaa tan iyo markii inqilaab xilka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir.

Sidda ku cad heshiiskaasi, dhinacyadda oo ka kooban milatariga xukunka afgembi ku qabsadey, kooxo mucaarad ah iyo kuwa banaanbaxayaasha oo isku dhinac ah ayaa sameynsan doonan gole.

Golahaasi oo ay awooda si isku mid ah u qeybsan doona ayaa waxay ka shaqeyn doonan muddo kala guurka ah sidii ay u dhici lahayd doorasho iyo dowlad rayid ah oo talada qabata.

Dalka Suudaan oo kamid ah wadamada ay xiriirka dhow la leedahay Soomaaliya ayaa waxaa ku nool dad Soomaaliyeed badan oo u jooga waxbarasho iyo qaxooti ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM